Halkan ka Akhriso”Halkudhegyo Xikmad Xambaarsan Oo Laga Reebay Dad Taariikhda Dunida Magac Ku Leh
January 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qormadan waxa aynu ku eegaynaa hadallo xikmad ah oo laga soo xigtay dad taariikhda dunida caan ku ah:
– “Weligayba ujeedkayga kama aan baydhin. Waa uun dhowr tallaabo oo aan dib u faagtay, si aan bootintayda u dheereeyo” Sigmund Frued. Guuldarradaada u aqoonso in ay tahay uun sida dib u gursashadaas aad doonayso in bootintu kuu dheeraato.
– “Si aad riyadaada run uga dhigto, waxa ugu horreeya ee ay tahay in aad samaysaa, waa in aad baraarugto” Andrew Carnegie.
– “Quwaddu waa in aad carrabkaaga ka adkaato marka aad cadhooto” Napoleon Bonaparte.