berberatoday.com
Somaliland: Baabuur Lagu Rarrayey DIIN Loo Iib-geynayey Muqdisho Oo La Qabtay Iyo Ciqaabta La Marinayo Cidda Dambe Ee Ugaadhsata
January 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland, ayaa ka hadashay Xayawaanka Diinka oo Maalmihii u dambeeyay lagu bilaabay Ugaadhsi, ka dib markii Suuq lagu kala iibsadaa ka furmay Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.
Xayawaanka Gurguurta ee loo yaqaanno DIINKA, ayaa Dad reer Somaliland ahi Maalmihii u dambeeyay bilaabeen inay ka ugaadhsadaan deegaannada kala duwan ee Dalka, iyaga oo doonaya inay u iib-geeyaan Magaalada Muqdisho oo la sheegay inay ku sugan yihiin Dad ku iibsada Lacag adag, taasina waxay keentay in Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo dabcan Qaabilsan Daryeelka Duur-joogtuna ay ka hadasho Ugaadhsiga lagu hayo Diinka ku nool deegaannada kala duwan ee Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Shalay Telefiishanka Bulsho waydiiyey waxay Wasaaraddeedu kala socoto Ugaadhsiga lagu hayo Xayawaanka Diinka, ayaa sheegtay inay maqleen in Dad doonaya inay u iib-geeyaan Magaalada Muqdisho ay Ugaadhsanayaan, dhawaana ay Wasaarad ahaan qabteen laba Gaadhi oo siday Xayawaanka Diinka, kuwaasi oo doonayey inay geeyaan Magaalada Muqdisho.
Wasiir Shukri oo ugu horreyn ka hadlaysa siday xog-ogaalka ugu tahay Ugaadhsiga lagu hayo Diinka ayaa tidhi “Beryahan dambe oo dhan waynu maqlaynay in la doonayo in Diinka la geeyo Xamar oo la iibsado.”
Wasiirka Wasaaradda Deegaanku waxay sheegtay inay dhawaan Gobolka Awdal ku qabteen laba Gaadhi oo sida Xayawaanka Diinka “Mar baa jirtay Awdal lagu qabtay Laba Laan-guruusal oo la rarayey (Diinka lagu rarayey), imikana meel walba Baabuurtii ayaa yaacaya (oo Diinka Ugaadhsanaya).” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadoo ka jawaabaysa su’aal laga waydiiyey waxa uga meel yaalla Wasaarad ahaan Dadka Ugaadhsanaya Diinka “Annaga waxa nooga meel yaalla in gaadhiga lagu qabto isagoo Diin sida inaanu gaadhiga la wareegno, iyagana (Dadka wata) Jeelka u dirno.”
Ugu dambayn, Ugaadhsiga Xayawaanka Diinka ayaa bilaabmay laba Toddobaad ka hor, ka dib markii la sheegay in suuq lagu kala iibsanayaa ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Halka Diin ayaa qiimihiisa lagu sheegay lacag ku dhow konton kun oo Dollar, laakiin Diinka ayaa inta aan la iibsan waxa lagu samaynayaa baadhitaan, waxaana la iibsanayaa Diinka uu damayo ama bakhtiyayo Telefoonka dusha laga saaraa ama uu Anteenku ka dhaco, tijaabadaasi oo ah shuruudda koowaad ee laga rabo Diinka in la iibiyo la doonayo, sidaana waxa sheegay Nin sheegay inuu yahay Dilaalka Diinka, kaasi oo u warramay Telefiishanka Somali Cable Toddobaadkii hore.
Laakiin, illaa hadda arrintan waxa ku gedaaman Su’aalo badan oo Shacabku uga baahan yihiin Jawaabo.
Berberatoday.com
COMMENTS
|