Baashe Morgan Oo Laga Wareejiyay Kawaankii Gawraca Xoolaha Ee Berbera Oo Dawlada Isutaga Imiraatku Ugu Deeqday Dawlada Somaliland Iyo Qorshe Baashe Morgan Damacsanaa Inuu Mulkiyada Kawaanka Isugu Qoro Oo Fashilmay
January 12, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xukumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaaminayo oo utafaxaydatay soo celintii hantidii qaranka ee la boobay mudadii ay dalka xukumaysay xukumadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo ayaa waxa ay dhawaan kala wareegtay Maslakhii Gawraca ama kawaankii loogu talagalay gawaraca xoolaha la qalayo ee Debeda loo dhoofinayo(surgery Camp for animal)
Wiilka musuqmaasuqa ku caan baxay ee lagu magacaabo Baashe Morgan ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo Sodoga Uyahay oo damacsanaa inuu mulkiyada Kawaankan isku qoro mulkiyada Kawaanka isaga oo horena uga sheegay Warbaahinta in Dawlada isutaga Imiraatka Carabtu ugu deeqday Dawlada Somaliland kawaankaas oo si casriya loo sameeyay loona qalabeeyay iyada oo laga dhisay agagaarka Cisbataalka Ciidan Xooga ee Berbera oo masaafo kooban dhinaca bari kaga beegan magaalada berbera.