Alle ha Unaxariiste Marxuum Aadan Xuseen Cilmi(Adan Daved)Oo Berbera Ku Geeriyooday
January 13, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Marxuum Aadan Xuseen Cilmi oo ku magac dheeree Adan Daved ayaa Saaka subaxnimadii ku geeriyooday magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo uu daganaa,
Marxuum Adan Daved sida la sheegay waxa uu ku dhashay magaalada hargeysa hilaadii 1955kii waxaanu kusoo kacaamay isla magaalada hargeysa oo qoyskiisu daganaa waxaanu aabihii Xuseen Cilmi Awcalina Waxa ahaa nin caana oo magaalada hargeysa laga yaqaanay oo dhismaha guryaha ku caan ahaa isaga iyo walaalkii oo lagu magaacabi jiray Dhaylaawe.