berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukun Ku Riday Laba Wariye Oo Mayarka Berbera Dacwad Ku Oogaayay
January 15, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa Xukun Xadhig Ciqaabeeda ku rida waraiyayaal laba ah oo bishii udanbaysay dacwad uu ku oogaayay Gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera ahna Mayerka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan(Cidin)oo Kaga socotay Maxkamada Gobolka Saaxil,

Wariyayaasha Xadhiga Ciqaabeedka lagu xukumay oo kala ah Wariye Axmed Saciid Maxamed oo ah wakiil wareedka Tvga Eryal iyo wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ah wakiil wareedka Tvga Saab Tv ayaa horaantii bishii december saldhiga dhexe ee berbera lagu Xidhay damaanad lagu siidaayay markii ay mudo laba todobaad ku dhaw xidhnaayeen waxaanay dacwadu kusocotay iyaga oo debeda jooga,

dacwada oo sadex jeer loo fadhiistay ayaa Waxa wariyayaasha lagu eedeeyay afar qdob sida uu sheegay garsooraha dacwada qaadaayay afartaas qodob ayaa waxa lagu helay hal qodob oo kamida afarta qodob ee Xeer ilaalinta Gobolka Saaxil iyo booliska Berbera kusoo eedeeyeen kuwaas oo ka dhashay warar ay wariyayaashu baahiyeen oo dad shacab ah iyo siyaasiyiin ka duubeen isla horaantii bishii 12aad sanadkii 2017-da.

Dacwada oo hore loogu fadhistay sadex jeer ayaa manta oo ahayd maalintii loo balansanaa kudhawaaqida xukunka ayaa maxkamada Gobolka Saaxil ka soo saartay xukun xadhig ciqaabeeda oo dhan 7 todoba bilood oo xadhig ah midkiiba Labada wariye xukunkaas oo ka bhilaamaya maalintii la soo xidhay sida uu ku dhawaaqay Garsooraha dacwada qaaday.

intii dacwadu socotay waxa qareen u ahaa wariyayasha oo udoodaayay garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac(Guuleed Daafac)oo dhinaca kalena ah udoode Xuquuqda Aadamaha katirsan Xafiiska Somaliland ee Xuquuqal insaanka.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka ee Xukunka dacwada soo gabagabeeyay ayaa sheegay in xukunku leeyahay racfaan hadiiba aanay ku qancin wariyayasha iyo qareenka udoodaayay.

ugu dambayntii Labada wariye ayaa Xdhigii lagu xukumay iibsaday islamarkiiba goobta Maxkamada ka baxay iyaga oo xora oo hada debeda jooga.

Sida sharcigu dhigayo Xadhig ciqaabeedka ayaa waxa la iibiyaa wixii 12 bilood ka yar wixii sanad ka badana lama iibiyo.

xukunka wariyayaasha loo adeegsaday oo baalmarsan xeerka saxaafada Somaliland lagu dhaqo ee dhaqan galka ah oo aan Maxkamada dalka ka shaqaynin ayaa waxa wariyayaashan loo adeegsaday sidii caadada u ahayd Garsoorka Somaliland in lagu xukumo Xeer ciqaabeed guud oo aan meelna kaga jirin xeerka Saxafaada Somaliland oo Golaha Wakiilada Somaliland hore uhirgaliyeen Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahina saxeexay hase yeeshee aan ilaa hada ka dhaqan galin garsoorka Dalka sidoo kale xeerka saxaafada Somaliland ayaa kasoo horjeeda in wariyayaasha loo adeegsado Xeerka Ciqaabta Guud hase yeeshee xakamayn kale oo ganaax iyo shaqo ka hakin ogol.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews