Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safarkii Labaad Dalka Kaga Dhoofay Isaga Oo Aan Warbaahinta La Hadal Iyo Dalka Uu Safarka Kutagay
January 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa
safarkii labaad kaga dhoofay dalka tan iyo intii talada dalka Somaliland loo dhaariyey .
Madaxweynaha ayaa waxaa uu safarkiisan waxaa uu ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay Raysal wasaaraha dalkaas .
Madaxweyne Biixi ayaa madaarka Hargeysa ka dhoofay isaga oo aan warbaahinta la hadal , waxaana safarkan uu dhanka kale noqonayaa safarkii labaad ee madaxweynuhu dalka kaga dhoofo isaga oo aan warbaahinta la hadlin