Raalin Galin Warka Lagu Baahiyay Shabakada Wararka Berberatoday Oo La Xidhiidhay Mayerka Berbera Oo La Ridayo Waxa Uu Ahaa War Aan Xaqiiq Aheyn Oo Shabakada Sife Khaldan Loogu Galiyay Baahiyay
January 17, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa aanu Raali Galin Buuxda ka Bixinaynaa War aan sal iyo nraadtoona lahayn oo Mid Kamida hawlwadeenada shabakada Berberatoday.com oo dalka debediisa Joogaa Websiteka galiyay isaga oo aan hubsan islamarkaana uu kasoo xigtay shabakadaha wararka ee aan wararkoodu xaqiiqada ahayn,
Warkaas oo dulucdiisu ahayd in Mayerka Berbera Xilka Laga Qaadayo oo mayer cusubna la dooran doonaan waxa aanu lenahay hadaanu nahay bahda shabakada wararka ee Berberatoday warkaasi waxa uu ahaa been abuur shaqsi aan wax badan xaalada dalka kala soconin galiyay webka