berberatoday.com
Diyaarad Ay Leedahay Qaramada Midoobay Oo Diiday In Ay Qaado Maxadawaynaha Puntland Iyo Sababta Keentay
January 17, 2018 - Written by Berbera Today

Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta

ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka oo ka qaadi laheyd garoonka Gaalkacyo ay diiday in boorsooyin aan la baarin in la saaro diyaaradda.

Image result for madaxweyne gaas

 

 

Muran saacado badan qaatay ayaa ugu dambeyn diyaaradda ku adkeysatay in aanay qaadin Madaxweyne Gaas iyo Mas’uuliyiintii la socotay baaritaan la’aan agabka ay wataan, iyadoo markii dambe ay diyaarada kacday rakaab la’aan.

Saraakiisha Diyaaradda ayaa ku andacooday badbaadada diyaarada inay ka bilaabato dhulka, isla markaana waajib tahay in la baaro agabka ay madaxa wataan.

Hase ahaatee Saraakiisha la socotay Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in la baaro agabka ay wataan oo ay ku jireen ciidamo hubeysan.

Wariye ku sugan Gaalkacyo oo lagu magacaabo Abaadir C/qaadir Cilmi ayaa u sheegay Jowhar.com in ismaandhaafka ugu badan uu ka taagnaa agabkii Madaxda wateen oo la diiday in la baaro, xitaa hadii ilaaladii hubeysneyd hubkooda laga uruuriyay oo loo ogolaaday inay diyaarada raacaan hub la’aan.

Intaas kaddib Madaxweynaha Puntland ayaa dib ugu laabtay xarunta Madaxtooyada ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in diyaarad kale loo dalbay.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta badan waxaa diyaaradaha la raaca marka uu tagayo Muqdisho iyo meelo kale ciidamo hubeysan oo ammaankiisa suga.

Diyaaradaha UN-ka ee isugu jira kuwo gargaarka bani’aadanimada iyo kuwa kale ayaan isku shuruuc laheyn, waxaana la sheegaa in diyaaradaha UNSOM u kireysan aan loo ogoleyn agab aan la baarin in la saaro.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa uga qeyb galaya magaalada Dhuusamareeb munaasabad lagu mideynayo Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug, kaddib markii ay dhamaadkii sanadkii hore ku saxiixdeen Jabuuti heshiis awood qeybsi ah.

Source:- Jowhar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews