“Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan”Xildhibaan Xaamud
January 19, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey guud ahaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu kula taliyey in wanaaga, nasteexa iyo midnimada umadda reer Somaliland ka shaqeeyaan, waxaanu ugu baaqay inay hawlahooda dhaqanka ku eekadan, oo aanay warbaahinta dhaliilo iyo hadalo kulul aanay iskugu jawaabin.