Muxuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ka Yidhi In Wada Hadal Tilifoon Dhexmaray Isaga Iyo Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabbdullahi Farmaajo Iyo Xaalada Deegaanka Tuka Raq Oo Madaxweynuhu Ka Hadlay
January 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga Wareysi Gaara siiyay ayaa Ka hadlay Markii Uohreysay Xiisada Colaadeed ee ka soo cusboonaatay soohdinta udhaxaysa Somaliland Iyo Putland iyo waliba Ciidanka Qaranka Somaliland ee fadhiismada Cusub ka samaystay Deegaanka Tuka Raq.
Waxaanu Madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Bixi Cabdi sheegay inaanu jirin dagaal ka dhexeeya Maamulka Putland iyo Somaliland hase yeeshee dagaalka iyo colaada ay dawlada Somaliya ee Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo hogaamiyaa dbada ka wado duulaana kusoo qaaday deegaamo kamida Somaliland oo kuyaala xuduudka udhexeeya Somaliland Iyo Somaliya taas bedelkeedana ay ka go,antahay xukumada iyo shacabka somaliland inay difaacdaan qaranimadooda iyo Xuduudaha dalkooda cid ay udaba fadhiisanayaana aanay jirin taas.