berberatoday.com
Muxuu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ka Yidhi In Wada Hadal Tilifoon Dhexmaray Isaga Iyo Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabbdullahi Farmaajo Iyo Xaalada Deegaanka Tuka Raq Oo Madaxweynuhu Ka Hadlay
January 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga Wareysi Gaara siiyay ayaa Ka hadlay Markii Uohreysay Xiisada Colaadeed ee ka soo cusboonaatay soohdinta udhaxaysa Somaliland Iyo Putland iyo waliba Ciidanka Qaranka Somaliland ee fadhiismada Cusub ka samaystay Deegaanka Tuka Raq.

Waxaanu Madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Bixi Cabdi sheegay inaanu jirin dagaal ka dhexeeya Maamulka Putland iyo Somaliland hase yeeshee dagaalka iyo colaada ay dawlada Somaliya ee Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo hogaamiyaa dbada ka wado duulaana kusoo qaaday deegaamo kamida Somaliland oo kuyaala xuduudka udhexeeya Somaliland Iyo Somaliya taas bedelkeedana ay ka go,antahay xukumada iyo shacabka somaliland inay difaacdaan qaranimadooda iyo Xuduudaha dalkooda cid ay udaba fadhiisanayaana aanay jirin taas.

Mar la weydiyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi in wadah dhexmareen Isaga iyo Mamadaxweynaha Maamulka Putland ayaa waxa uu kaga jawaabay inaanu marnaba lahadli karin Madaxweynaha Maamulka Putland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isaga oo Madaxweyne Biixi ku sababeeyay inuu Maamulka Garowe yahay gobol somaliya kamida wadaha hadalkuna uu ka dhexeeyay somaliland ahaan Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

waxa kaloo Uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu jawaab ka bixiyay Inay dib ubilaamayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya isaga oo sheegay inay Somaliland ahaan diyaar uyihiin inay wada hadaladii halkoodii ka sii socdaa oo lakala baxo go,aanka Xukumada iyo shacabka Somalilandna yahay in laba dawladood oo Madaxa banaan oo walalo ah la noqdo.

Halkan hoose Ka Dhagayso Wariyaha Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga ee Somaliland Axmed Saciid Cige oo wareysigaas Madaxweynaha Ka Qaaday iyo siday suaaluhu udhaceen

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews