Saddex Dawladood Oo La Filayo Inay Ku Soo Biiraan Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Xarun Caalami Ah Oo Door Muhiim Ah Ka Ciyaaraysa
January 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Saddex dawladood oo cusub ayaa la filayaa ayaa la filayaa in ay ku soo biiraan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya .

Xarunta calamiga ah ee lagu magacaabo CENTER FOR HUMANITRIAN DIOLOGUE ayaa sida ay war xog ogaal ahi u sheegeen Geeska Africa wada haladii ay dhawaan ugu kala dab qaadeysay madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya waxaa ay ku aqbashey soo jeedin ah in la helo dawlado kale oo ku soo biira dhex dhexexaadinta Somaliland iyo Somaliya , maadaama aaney dawlada Turkigu ku guuleysan in ay xataa hir galaan qodobadii ay labada dhinac dalkeeda ku kala saxeexdeen , kuwaas oo uu ka mid ah qodob ku saabsan maamula hawda Somalida oo lagu heshiiyey in si wada jir ah looga maamulo Hargeysa iyo Moqdisho balse guul dareystay .