berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Taariikhda Uu Soo Maray Dalka Equatorial Guinea Iyo Dhaqanka Madaxweynayaashii Soo Maray
January 25, 2018 - Written by Berbera Today

Guinea(Berberatoday.com)-Equatorial Guinea waa dalka keliya ee qaaradda Afrika lagaga hadlo, luuqadda Isbaanishka waxaana Xornimadiisa uu ka qaatay dalka Isbayn Sannadkii 1968-kii Francisco Macías Nguema, ayaana noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Equatorial Guinea; kaas oo lagu garan ogaa Hitlerkii Afrika, laakiin, isagu isu yaqaaney “Madaxweynihii nolosha”, “President for Life.” Iyo mucjisada keliya ee Equatorial Guinea dhashay!

Francisco, waxa uu ka dhashay qoys saaxiriin ah. Aabbihii waxaa lagu eedeeyey, in uu walaalkii dilay. Waxaana uu daawanayey Aabbihii oo feer lagu dilayo, kadib xukun uu maamulkii Isbaanishku ku riday aabihii. todobaad kadibna, hooyadii ayaa is dishay. Halkaas waxaa agoon ku noqday isaga iyo sagaal walaalihiis ah.

Francisco, waxa uu saddex jeer ku dhacay imtixaan uu u fariistay. Markii danbena waxa uu duq ka noqday magaalada Mongomo, ee maamulkii gumaysiga Isbaanishka. Mar danbena wuxuu xubin ka noqday, baarlamaanka. iyadoo Sannadkii 1964-kii loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku xigeen, dowlad ku meel gaar ahayd. Ugu danbaynna, Sannadkii 1968-kii, xornimadii dalkaas uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Equatorial Guinea.

Markii uu xukunka la wareegay, Madaxweyne Francisco waxaa uu ku dhaqaaqay in uu dalka ka sifeeyo dalkii gumaysan jiray ee Isbaanishka.

Francisco, waxa uu layn jiray dadka kasoo horjeeda xukunkiisa. Maalin ay ahayd ciidda Kirismaska ee gaalada, ayaa Francisco waxa uu garoonka kubadda cagta ku casuumay 150 kamid ahaa mucaaridka. Kadibna, amray in dhammaantood halkaas lagu toogto. Baarlamaankii dalka, saddex meelood, laba meelood waa uu laayey. Illaa tobaneeyo wasiirna, waa uu dilay. Sidoo kale, waxa uu dilay guddoomiyihii bangiga dhexe. Intaas kadibna isaga ayaa gurigiisa ku maamuli jiray, hantida qaranka.

Macías Nguema maamulkiisii, waxa uu kumannaan shacabkiisa ah ku qasbay in ay dalka ka cararaan. Inkastoo, uu layn jiray dadka isku daya in ay dalka ka baxaan. Dalka oo ah jasiirado yar yar, wadada keliya ee la maro waxa uu ku rakibay bambooyin. Sidoo kalena, waxa uu burburiyey doomihii, si aan loogu baxsan dalka. Xataa waxa uu dalka ka mamnuucay, in kabaha dadku isticmaalaan. Mararka qaarna, waxa uu dadka amray in aysan kasoo bixin guryaha. Waxa uu gaar u bar tilmaansan jiray dadka aqoonyahanka ah iyo indheergaradka waddankaas. Saddex meelood hal meel, oo kamid ah shacabkii dalkaas waa laayey barkoodna, dalkii si kasta oo ay kaga carari karaan ayey sameeyeen waxaana Dadka uu laayey, kamid ahaa qaraabadiisa oo ay ku jirto xaaskiisii.

Dhammaadkii xukunkiisa, dadkii aqoonta lahaa waxa ay noqdeen wax uu laayey iyo wax dalka ka cararay. Dalkana waxaa ku dhacay maskax-guur ” brain drain” aanu weli kasoo kabsan iyadoo dhakhaatiirta ay ku sheegeen, in Francisco qabey xanuunada dhimirka oo uu waalnaa.

Sannadkii 1979-kii, Teodoro Obiang, oo uu adeer u ahaa ayaa inqilaabay xukunkiisii. Kana mid ahaa, dadka uu ehelladiisa ka laayey Francisco.

Ugu danbayntii, Francisco waxaa lagu xukumay dil toogasho ah. Isla sannadkaas, xili aroor hore ah ayaa lagu toogtey isaga iyo lix eedaysane xabsi ku yaal caasimadda. Ciidamada dilka fuliyey waxaa laga soo kiraystay dalka Moroko. Iyadoo laga baqay, sixirkii qoyskiisu yaqaaaneen waxaana Equatorial Guinea, weli xukuma mid kamid ah kelitalisyada ugu xun adduunka. Waa wiilkii uu Francisco, adeerka u ahaa.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cabdiqani Axmed Cali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews