berberatoday.com
Wasiir Kamida Wasiiradii Xukumadii Hore Ee Madaxweyne Siilanyo Oo Xirfad Shaqo Rooti Soosaarka Ah Bilaabay Iyo Masuuliyiinta Xilalka Ka Waayay xukumada Cusub Oo Kala Foofay
January 25, 2018 - Written by Berbera Today

Qiimeynta Wasiirraddii Xil-ku-xoogleyaasha ahaa iyo kuwa xirfadaha shaqo samaystay ee Bulshada la nool…

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno kamid ah Wasiirradii hore ee Xukuumadda Kulmiye, ayaan inta badan lagu arag saaxada Siyaasadda mudadii Bisha ahayd ee ay xilalka ka maqnaayeen, waxaanay qaarkood dib ugu laabteen Wadamada dibada oo ay markii hore ka yimaadeen, kuwo kalena waxay si caadi ah nolol-maalmeedkooda ula wadaagaan Bulshada, iyagoo Shirkaddo Ganacsi iyo shaqooyin kale oo hoose, balse muhiim ah ka bilaabay goobo aan laga filayn.

Illaa hadda saddex Wasiir oo kamid ahaa Wasiirradii u dambeeyey ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si rasmi ah shaqooyin xoogsiya iyo wax-soo-saar uga bilaabay dalka, waxaana kamid ah Wasiirkii hore ee Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse oo wershad soo saarta Rootiga (Roodhida) oo uu ka samaystay gudaha Magaalada Hargeysa ka shaqeeya.

Wasiir hore Shucayb oo ay wershadiisu ku taalla dhinaca Galbeed ee Hargeysa, agagaarka Hudheelka Maansoor, ayaa sida la sheegay inta badan howl-maalmeedkiisa shaqo geliya Maamulka iyo Xisaabinta Wershadiisa, taasoo uu inta badan ku mashquulsan yahay.

Wariye ka tirsan ARDAAMEDIA oo booqday Wershada Wasiir Shucayb, ayaanay u suurto-gelin inuu helo Masuulkaasi oo uu wax ka waydiiyo Shaqadan cusub ee uu bilaabay iyo qorsheyaashiisa ku aaddan Ganacsiga uu bilaabay.

Hase ahaatee dad xogogaal ah, ayaa ARDAAMEDIA u xaqiijiyey in Wasiir Shucayb leeyahay Wershadaasi oo soo saarta Furinka nooca loo yaqaano (MOOFADDA) ee lagu wershadeeyo Korantada.

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi, ayaa bishan dhexdeedii ka soo muuqday isagoo Bare ka ah Dugsi kamid ah kuwa gaarka loo leeyahay oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, kaasoo sida la sheegay intii aanu xilka qaban Macalin ka ahaa.

Mr. Khadar ayaa isagoo cashar bixinaya ka muuqday Telefishan madaxbanaan oo ku waraystay Fasalka dhexdiisa, waxaanu ka waramay dareenkiisa ku wajahan xirfada Shaqo ee uu markiiba ku howl-galay. Waxa uu kamid ahaa Wasiirradii muddada kooban xilalka ka hayey Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Labadan masuul, ayaa Wasaaradihii ay madaxda ka ahaayeen uu Madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi Cabdi ku daray Wasaaraddo kale, iyagiina meesha laga saaray, inkasta oo ay wali ku sii shaqeeyaan xafiisyadoodii.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Cumar Shucayb Maxamed, ayaa beer uu ka beerro Khudrada kala duwan ka samaystay Deegaan dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Berbera, halkaasoo markii uu xilka ka degay ka bilaabay inuu gacantiisa kaga shaqeeyo Beerta.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Cumar Shucayb, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qodista iyo beerista Beertiisa oo ku taalla duleedka Magaalada Berbera, halkaasoo uu ka samaystay Beer Khudaarta lagu Beerro.

Cumar Shacayb oo Telefishanka Horn cable ka soo muuqday isagoo haramaynaya Beerta, ayaa sheegay inuu dhiiri-gelinaayo wax soo-saarka dhanka Beeraha iyo tacabka, doonayana inuu wax kala soo baxo Beertaasi oo sida uu sheegay wax badan uga soo baxaan Bil kasta. “waxaan Beernay Basashii, Tamaadhadii iyo Cambihii oo dhamaantood aanu halkan ka rarnaa” ayuu yidhi isagoo u muuqday inuu si fiican ugu qanacsan yahay tacabka uu sameeyey.

 

Laakiinse Cumar Shucayb wuxuu sheegay inuu fursad u helay nasasho iyo inuu naftiisa barro qayb kale oo kamid ah nololsha. “Caqabada ugu weyn ee i hortaalaa waa aqoon-darro oo anigu aqoon uma lihi sida wax loo beerro. markaa waxaan ku talin lahaa inay Dawladdu xoogga saarto sidii dadka Beeralaydaa aqoontooda loo kobcin lahaa” ayuu ku daray hadalkiisa.

In Wasiirrada hore ay dhinac kale uga leexdaan Shaqooyinka dawladda ee ay wakhtiga kooban hayeen waxay dhiiri-gelinaysaa inaanay Mustaqbalkooda iyo nololshooda ku lumin Siyaasadda iyo xisbiyahannimada, balse ay khibrada shaqada iyo fahamka siyaasadda dawladdeed uga faa’idaystaan inay Bulshada la wadaagaan muruq-maalnimada iyo muhiimmada uu tacabku u leeyahay horumarinta danta guud iyo mid gaarka ah.

FG. Qormadani waxay bilow u tahay kuwo kale oo aan idiinku soo gudbin doono shaqooyinka ay qabtaan Wasiirradii hore ee Xukuumadda Kulmiye…

 

 

Xigasho ARDAAMEDIA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews