Shaqaale UNICEF Ka Tirsan Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Cida Dishay
January 27, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya
in nin ajanabi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNICEF lagu dilay xarun ay hay’addu ku leedahay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho,

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya hay’adda UNICEF.