Laanta Xisbiga Kulmiye ee Wadanka Finland oo Kullan ay yeesheen ku Xaliyay Khilaafyo ka Dhextaagnaa Xubno ka mid ah.(+ Sawiro)
Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta iyo qaar kamida taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Finland ayaa xalay lagu qabtay caasimadda wadankaas ee Helsinki.
Shirkan oo ujeedadiisu ahayd soo afjarida khilaafaad yar yar oo muddo soo taxnaa ayaa laga gaadhay xal rasmi ah iyadoo isla goobtaas lagusoo bandhigay xeer-hoosaadka Xisbiga Kulmiye Finland uu yeelan doono
Ugu horayn Gudoomiye -Kuxigeenka Jaaliyadda Guud ee Somaliland Mudane Cabdilaahi Ilkacase ayaa siweyn uga sheekeeyay marxaladihii loosoo maray xallinta khilaafkan iyo guusha uu kusoo dhamaaday waxaanu hoosta kaxariiqay in lagasoo gudbay hadda wixii kadambeeyana aanay jiri doonin kala qaybasaani