Wershad Halis Nabadgelyo ku haysa Madaarka Hargeysa, Khatarteeda Caafimaad iyo Cabashada Bulshada
January 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wershad laga dayriyey halisteeda Caafimaad, isla markaana la sheegay inay khatar dhinaca nabadgelyada ah ku hayso Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Wershaddaas waxa la sheegay inuu u digay Maareeyaha Madaarka Hargeysa uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay.