Laba Waalid Oo Muddo 10 Sano Ah Xabsi Guri Iyo Ciqaab Daran Ku Hayey 13 Carruur Ah Oo Ay Dhaleen
February 1, 2018 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Lammaane u dhashay dalka Maraykanka ayaa 13 carruur ah oo ay dhaleen muddo sannado ah ku xabbisay gurigooda oo ku yaalla magaalo yar oo ka mid ah gobalka California ee dalka Maraykanka. 13 ka carruur ah oo silsilado si arxan darro ah loogu xidhay, dushoodana dayac iyo diif badani ka muuqdo ayaa uu booliisku ka helay gurigan. Dhammaantood waa walaalo ay dhaleen lammaanaha xabbisay, da’doodu waxa ay u dhexeysaa 2 sano jir illaa 29 jir, wasakh badan ayaa ku taallay guudkooda, gaajo badan ayaana ka muuqatay. Booliiska oo carruurtan dhammaantoos soo daayey ayaa xabsiga u taxaabay labada waalid oo lagu soo oogay jidh dil iyo ubadkooda oo ay noloshooda khatar geliyeen.