“Galbeedka Horumar-baa Laga Shaqeeyaa Oo Hadal Lagama Shaqeeyo, Sababta Burco Wax Badan Ugu Qabsoomi Waayeenna…” Ramaax
February 2, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer Maxamuud
Cali Saleebaan (Ramaax) oo Madaxweynaha Somaliland uu Toddobaadkan u Magacaabay Badhasaabka Gobolka Gabiley, ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha Xilka cusub ee loo
Magacaabay.
Ramaax oo Xilka uu Madaxweyne Muuse Biixi u Magacaabay noqonayo kii lixaad tan iyo
Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo isla-markaana Badhasaab ka soo noqday
Shan Gobol oo hore, ayaa isaga oo ka dareen celiya Xilka cusub ee ah Badhasaabka
Gobolka Gabiley wuxuu yidhi “Dareenkaygu waa ILAAHAY Mahaddii, markaan tayda
Shaqsiga ah ka hadlayo waa inaan Dadkayga barto, Waayo-aragnimo siyaasadeed oo