Halista Qalab Caafimaad Oo Gallaaftay Nolosha Nin U Dhashay Dalka Hindiya !
February 2, 2018 - Written by Berbera Today
India(Berberatoday.com)-Guud ahaan Caafimaadka Aadmiga ayaa waxa xilliyadan dambe loo adeegsadaa qalab kala duwan oo loo adeegsado baadhtiaanka cudurada kala duwan iyo dhibaatooyinka uu qofku ka cabanayo, sidoo kale waxa jira qalab tiro badan oo loo adeegsado Fulinta qaliinada kala duwan.
Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa dilay Qalabka Magnetic Resonance Imaging oo ah qalab caafimaad oo lagu baadho guud ahaan jidhka qofka, sawirada uu qalabkaasi soo saaro kadib marka qofka la dhex galiyo.