berberatoday.com
Kormeerrada Weftiga Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Oo U Gudbay Saaxil Iyo Deegaanada Ay Shalay Gaadheen
February 5, 2018 - Written by Berbera Today

Saaxil(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland oo maalmihii u dambeeyey waday safaro dhiirigalin iyo u kuur noqosho dhanka wax soo saarka dalka ah ayaa sii ambaqaaday safaradoodaasi, waxa aanay Shalay  safarkooda ku tageen Deegaano beeralay ah oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

????????????????????????????????????

Safarkan oo uu masuuliyiinta wasaaradda beeraha ku hoggaaminayey Wasiirka horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, isla markaana ku wehelinayey agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa waxa ay safarkan ku mareen deegaanada Dooxa Guban, Abdaal, Sheelane iyo Laaso Dacawo oo ka tirsan Deegaanada beeralayda ee Gobolka Saaxil.

Weftiga wasaaradda beeraha ayaa sidoo kale waxa ku wehelinayey Badhasaabka Gobolka Saaxil, Xubno ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Berbera, Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Isuduwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Saaxil, Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb oo beeralayda dalka ka mid ah iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo deeganadasi ka jeediyey khudbado dhiirigalin iyo dar daaran dhanka wax soo saarka ah isugu jira ayaa waxa uu bulshada beeralayda ah ugu baaqay inay wax soo saar la yimaadaan, isaga oo wasiirka tilmaamay in  muhiimadda koowaad ee Xukumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tahay in wax soo saar dhanka beeraha lala yimaado.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Ujeeadada safarakayagu waa dhiirigalinta iyo xogogaal u noqoshada beeralayda, waxaananu maraynaa gobollada dalka oo dhan si aanu xogogaal ugu noqono xaalada beeralayda sidoo kalena dhibaatooyinka beeralayda haysta wixii aanu kala qaban karno kala qabano wixii kale ee awoodayada ka baxsana aanu ciddii aanu ula qayshan karno ula qayshano, intaanu maraynay beeraha gobollada dalka qaarna waxaanu ku soo aragnay laba dhibaato oo ay ka siman yihiin beeralaydu kuwaasi oo ah cayayaanka dalaga ka gala iyo dooxooyinkaa beerihii qaadaya, waxaananu idiin ballan qaadanaynaa in cayayaanka sidii looga hortagi lahaa aqoon yahanada beeruhu tababbaro idinka siin doonaan, isla markaana aanu samayn doono Kooxo wareega goobaha beeraha ee dalka ku yaalla, kuwaasi oo idinka caawin doono caqabadaha ka taagan beeralayda”.

Wasiirka ayaa beeralayda kula dar daarmay in wixii la cunayey oo aan khudaarta oo kaliya ahayn beeralaydu la soo baxaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Khudaarta aad soo saartaan oo kaliya inaynu ku ekaano ma doonayno oo maaha in inta aad khudaarta suuqa geysaan haddana bariis ku soo iibsataan, balse waxa loo baahan yahay sidoo kale cuntooyinkii la quudanayey sida hadhuudhka, gallayda, digirta iwm inaad beerataan”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isna beeralayda gobolka Saaxil Dardaaran u jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Gobolka Saaxil waxaad ka mid tihiin deegaanada beeralayda ah ee aanu maraynay deegaanadii idinka horeeyey ee aanu soo marnay ee beeralayda ahaa waxa ay ka cabanayeen dhibaatooyin cayayaanka ku mid yihiin oo aad kala siman tihiin, arrintaana khabiiradii way nala socdaan waxaanay idin siin doonaan tababbar sida loola dagaalamo, qaar baa waddooyin waxay soo saaraan u maraan marka la iib gaynayo ka cabanayey taana waad kaga duwan tihiin oo mahad ALLE in wadada dalka halbawlaha u ah idiin dhawdahay”.

Cumar Shucayb, wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland oo u jeedsaday wax soo saarka beeraha ayaa Wasiirka Horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed iyo weftiguu hoggaaminayaa booqdeen si ay ugu dhiirigaliyaan tallaabadaasi uu qaaday isna waa  uu ka mahadceliyey.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Mudane Jaamac Yuusuf Axmed ayaa weftiga wasiirka horumarinta beeruhu hoggaaminayo uga mahadceliyey u kuur galka iyo dhiirigalinta beeralayda ee ay ku yimaadeen gobolka Saaxil.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta beeraha ee Gobolka Saaxil Maxamed Jaamac oo intii kormeerka lagu jiray hadal soo dhaweyn ah ka jeediyey deegaanka Dooxa Guban ayaa waxa uu tilmaamay in gobolka Saaxil diyaar u yahay wax soo saar, isla markaana rajaynayaan in wixii caqabado ah wasaaraddu wax kala qaban doonto

Wasiirka ayaa waxay beeralayda  Laaso Dacawo hadhimo sharafeed ugu sameeyeen deegaanka Laasadacawo, waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Caaqil Xasan Shaqalle Maxamed, Axmed Jaamac oo beeralayda ka mid ah, Rooda Axmed Yaasiin, Xildhibaan Rashiid Aw Xasan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews