“Wax Kasta Oo Inoo Taagan Xundhurtoodu Waxa Weeyi Dildilaacii Ka Dhashay Doorashada In Laga Heshiiyo Oo Ay Ka Shaqeeyaan Saddexda Guddoomiye Xisbi Oo Ay…”-Faysal Cali Waraabe
February 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga warramay ahmiyadda iyo natiijadii ka soo baxday kulankii ay Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyadu wada yeesheen.
Faysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka hadlaya kulankaasi sidii uu u dhacay iyo waxyaalihii ay madaxweynaha ka wada hadleen, ayaa waxa uu yidhi “Waanu kulanay Madaxweynaha oo waxaanu ka wada hadalnay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda dalka ee hadda ee doorashadii kadib iyo sidii loo kabi lahaa qaybsanaantii ka dhalatay, iyo sidii loo bilaabi lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo dhameystiri lahaa arrinta khaatumo, sidii loo taageeri lahaa ciidammada dalka, iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinkii Baarlamaanka iyo dawladaha hoose”. Waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ku ballanay in aanu mar dambe isku nimaadno, sida ugu dhakhsaha badana la sameeyo guddiyo ka soo taliya arrinta saami qaybsiga iyo sifaha dadka loo dooranayo dawladaha hoose iyo Baarlamaanka, intaaba waanu isla afgaranay oo si fiican ayuu noo dhegaystay Madaxweynuhu, haddii ALLE yidhaa waanu isku noqon doonaa oo war wada jir ah ayaanu ka soo saari doonaa”.