Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mar Labaad Maanta U Yeedhay Gudoomiyayaasha Mucaaridka Somaliland Iyo Arimaha Soo Kordhay Ee Laga Wada Hadlay
February 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu
markii labaad u yeedhay si uu kulan ula yeesho gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo UCID
Madaxweynaha ayaa kulan kan ka horeeyey waxaa uu la yeeshay maalinkii Axadii ee todobaadkan isla markaana waxaa ay xoguhu sheegayaan in kulankan maanta uu ka duwanaan doono kulankii 2 cisho ka hor ay iskugu yimadeen
Kulankan ayaa waxaa uu noqon doona mid khaas u ah saddexda hogaamiye oo kaliya isla markaana waxaa uu madaxweynuhu u soo bandhigi doona sida ay xaalada dalku tahay iyo qaabka uu doonaayo in uu wax u wado isla markaana waxaa uu weydiisan doonaa talooyin