Daawo Muuqalka”War-bixin Dhiillo Leh: Abaar Saamaysay Dad Iyo Duunyo Oo Ku Dhufatay Gobolka Selel
February 9, 2018 - Written by Berbera Today
Selel(Berberatoday.com)-Abaar saamaysay Nolosha Dad iyo Duunyo ayaa ku dhufatay Gobollo ka mid ah Somaliland, waxaana deegaannada ugu daran ka mid ah Gobolka SELEL.

War-bixin uu Xaaladda Abaareed ee Gobolka Selel ka soo diyaariyey Axmed Xuseen Warsame oo ka mid ah Hawl-wadeennada Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa muujinaysa Xaalad adag ay oo ay waajahayaan Xoolihii halkaa ku dhaqnaa.