Aabbo Sheegay In Wiilkiisu Naafoobay Markii Uu Soo Ugaadhsaday Xayawaanka DIINKA Oo Uu Doonayey Inuu Iib-geeyo umadana Uga Digay Cuqubada Diinku Leeyahay
February 19, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Iyadoo bishii u dambaysay Dadka qaar ku Mashquulsanaayeen Ugaadhsiga Xayawaanka Diinka oo la sheegay in lagu iibsado Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya, ayaa waxa soo baxay Dad dhibaato caafimaad-darro la soo deristay markii ay Xayawaanka Diinka ugaadhsadeen.
Aabbo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa sheegay in Wiilkiisa oo soo Ugaadhsaday Diin uu la kulmay Xaalad Caafimaad-darro oo gaadhsiisan inuu naafo ka noqdo mid ka mid ah Gacmaha.