Daawo Muuqalka”Masuul Shaaca Ka Qaaday In Mid Ka Mid Ah Wasaaradaha Dalka Somaliland Uu La Wareegay Kambani Gaar Ahi Iyo Codsi Uu Ku Socodsiiyay Madaxweyne Muuse Biixi
February 20, 2018 - Written by Berbera Today
Baki(Berberatoday.com)-Maayarka Degmada Baki ee Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caateeye ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradii Waxbarashada Somaliland ay isku rogtay kambani cid gaar ahi leedahay waxaana uu sheegay in gabi ahaanba ay la wareegtay wasaaraddii Waxbarashada Kambani layidhaa “HEMA BOOKS” kaasi oo uu sheegay inay sababtay in guud ahaan dugsiyadii dawlada laga dareero 80%,islamarkaana waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Cusub ee uu hogaaminayo Muuse Biixi inay deg deg go’aan uga gaadho Kambanigan la yidhaa HEMA BOOKS oo uu sheegay inuu yahay kambani ay Dawladdii hore curisay,saamayn gaar ahna ku yeeshay dadkii danyarta ahaa ee ubadkoodu dugsiyada dawlada Wax ka baranayeen.
Maayarka oo Warbaahinta Boorama La hadlay ayaa waxa uu yidhi“Kambani Ganacsi ayaa laga dhigay Wasaaraddii Waxbarashada,Kambanigaasi oo la yidhaa “HEMA BOOKS”, arintaasi waxay keentay in Booga Macalinku ka dhigayay iyo ka uu Macalinku ka akhrisanayayba $3(Saddex Dollar) laga dhigo,Toban buug ayaa laga doonayaa ardayga oo midkiiba yahay Saddex Doolar,Soddon kun ayaa laga doonayaa Ardayga ulada la qorayo Dugsiyada dawlada,Marka uu dugsiga sare gaadho ama uu Dugsiga dhexe gaadhana laba boqol oo kun(200,000-kun) ayaa laga rabaa,dadku way bixin kari waayeen oo 80% Dugsiyaddii waa laga dareeray,Kambani ayaa laga dhigay Wasaaraddii Waxbarashada Hemo Books la yidhaa”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxaanu dawladda Cusub ee Xilka qabsatay ka codsanaynaa inay waxbarashada hoos u eegaan,Dugsiyada 80% xiitaa kuwa magaalooyinka waa weyn kuyaala waa laga dareeray,ninka saddex Qof ugu jiraan ma bixin karo toban buug lacagtood,Soddon buugna ma iibin karo,lacag laba boqol ahna calaa qof ma bixin karo,arintaasi waa arinta la yaabka leh,Markaa wasaaraddii Waxbarashadu waxay isku badeshay kambani aan la aqoon waxa uu yahay,Dawladuna aanay xalaalayn,Dugsiyada Degmada Baki 80% Arday ayaa dugsiyada ka dareeray,waa cidlo qaarkood”.
Dhinaca kale Kambanigan laga qaylinayo ee Hemo Books ayaa waxa la sheegaa in ay leeyihin koox dhallinyaro ah oo gacan saar la lahaa wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo,iyo masuuliyiin kale oo Xukuumaddaasi ka tirsanaa oo daaha dabadiisa kujira iyadoo wararka la xidhiidha Kambanigaasi ay sidoo kale tibaaxaan inuu woxogaa komishan ah ku lahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdilaahi dheere, kaasi oo u hirgaliyay inay Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladuba khasab ku iibsadaan Manhajkaasi islamarkaana ay dugsiyadooda wax ku dhigaan marka laga reebo Dugsiga Nuuradiin oo isagu Manhaj u gaar ah soo daabacda.
Kambaniga ayaa culays gaar ah ku haya shacabka Reer Somaliland ee duruufaysan waxaanu faqiir iyo taajir uu isku si wax uga wada iibiyaa buugta iyadoo qofkii laga waayo aanu fooda soo galin dugsiga ama kalaaska uu dhiganayo.