berberatoday.com
Hooyo ka qayb gashay 20 February maalintii Dhalinyaraada Somaliland Waxa laga reebay wasiir baa wax noo tarin Xildhibaan ba wax noo tarin Agaasima wax noo tarin?
February 22, 2018 - Written by Berbera Today

Waxa Hooyo ka qayb gashay 20 February ayaa waxa laga reebay    Ka wasiir baa wax noo tarin Xildhibaan ba wax noo tarin Agaasima wax noo tarin?

Golayaasha iyo waxa isku mid ah geedkan tiinka ah.

Galoolkii iyo waxaa rawaxay  guurtidii hore .

Garan-waagii waa kaa matelay Gobaabkii weyn.

Waxaa ku tiraabtey meeriska is raacsan iyo odhaada wadareedka isku dhafan Hooyo Shalay, ka qayb gashay 20 February oo ku suntan Maalintii dhalinyarada  Jamhuuriyad Somaliland oo ahayd Maalintii uu dhacay Kacdoonkii  gadood ee  Ardaydu ee 1982 kii  bilowday  Magalada Hargaysa isla mar ahaanta si fudud ugu gudbay Magalloyinka kale Berbera iyo Burco ba . Kacdoonka Arday waxa loo Bixiyey[h1]  ama loo yeedha  Dhagax-tuurka  waxana sabab u ahaa Nadaamkii kaligii taliska ahaa ee wakhtiga dalka jiray oo si Arxan-darro ah iyo dil joogta Ummada isugu daray . Waa mid xasuus gaar ah ku leh qof kasta oo dhibaatooyinka joogta u ahaan jirtay  Ummada  Jamhuuriyad Somaliland wakhiyadii Dhaxatuurka iyo intii ka danbaysaba .gaar ahaan maalinta waxay si gaar ah ugu suntan tahat dhalinyarada waxa Naf-waayey  arday fara badan oo dhalinyaro ahaa isla maalinta  waxaa kale oo iyagan  loo xasuuqay dhamaanb dadkii rayidka ah eek a agdhawa meelihii  iyo goobaha uu ka dhacay Gadoodka Ardeydu oo aan loo kala reebin waa uu yar yahay iyo waa qof weyn oo da,ah . Kacdoonka dhalinyaradu waxa kale oo si xoogey ra,yigii ahaa in la la dagaalmo  kaligii Taliska  waayo  Ummadu Tacdi iyo dulmi kibir raacsan yahay ayeey ku jirtay  waana loo guntaday in dagaal lagal hortago dhibaato iyo xanuun , ,Nafo, badan  waayid waa lagu guulaysatay guushii iyo hadafkii ummaduu u guntay  waan ka aynu maant Hoobaantisi ku garaadsanay kuna kornay walin lagu koraayo  maanta aynu ku Nool nahay sharafta iyo karamada ay u dagaalankeed Kacdoonka arday u kow ka ahaa ee  ku beegneed Bisha 20 labaad ee 2018 .

Waa Maalintu laha (AUN Macalinkii ,Abwaankii Cali Banfas meerika ah . Waan soo dhawaadee,

 Hadaan dhiilo soo hoyanin,

 Dhoomihii cadaawaha,

 Hadaanan dhagaxyadii tuurin,

 Hadaan macalimiintii dhamaan,

 Dhigin tabaashiirta,

 Ardaydii dhulkaygoow,

 Hadaan dhiigu mulacyeynin,

 Iyagaan ku dhaataye,

 Hadaan dhagartu weynaanin,

 Dhalinyarada xooga’ah,

 Hadaanan dhoombirka u daadin,

 Dhababacada suuqyada,

 Hadaan qayladu isdhaafin,

 Sidii dhibic hadii aan rasaas,

 Looga wada dhuuman,

 Hadaan taajir dhalacyayn jiriyo,

 Dhaqasho beenoobin,

 Waxaan dhigo dhafooradda,

 Hadaan dheygag lagu yaabin,

 Dhaqayadda xumaantii,

 Hadaan dhiilka lagu heensan,

 Afdhalax ma dhaadine,

 Hadaan dhimasho soo gaadhin,

 Ciilbaan la dhuubtee,

 Hadaan lay’la dhugatoobin,

 Inankayga dhaameel,

 Hadaan la’la dhibaatoonin,

 Heenkii dhadhaaradda,

 Hadaan dhamacda loo baadhan,

 Dhaartaa aan soo maray,

 Hadaan kaga dhabeyn waayo,

 Dhalashada aan sheegtiyo,

 Kago’ay dhoobadda iyo ciida

Xigasho

(AlHuda Cali Banfas Facbook page):

Hasa yeesha Hooyadan shalay  xuska dhalinyarad ka qayb qaadanaysa ayaa waxay dhalinyarad ku dhiiri gelinaysay inaaney dalkood  meel kale oo lagu dhibaateynaayo ka door bid  waxayna tidhi ayadoo hadalkeedu ku  jiratay qiiro iyo Oohin wada socda Dhaliyaradu ma ogsoon waxii dhibaato iyo xanuun la la soo maraya walina waa hooyoyinka ee ay la marayaan . Halkii  Hooyadu ka filanaysay inay ka bogsoon doonto wax kasta oo dhibaato ahaa oo ay u soo dhabar adagtay hadan in maanta dhalinyaradii sida aanu ognahay ku soo barbaarinay  waxanaan ka sugayn oo dhabar jab iyo guul-darro nagu ah ku kacaan . Maanta dhalinyaradin” waa annaga dhalnay  soon a korinay annaga la soo baaba,nay “ Maanta kuwa Caruurtoodii lagu Haysto meel walba waa annaga . Guri kasta ay ka yimaadeen waxuun ayaa u yaal oo ay ku koraan  quruxda iyo sharafta iyo karamada ay ku nool yihiin  kuna korayaan waa ay adag tahay inay wax badan ka ogyohiin dhibtii loo soo maraya . Markale  wax na qabta mahaa hadii aanu nahay Hooyada dhalinyarad .

Sidoo kale waxa Hooyada aad hadladeed iyo u jeedka guud ka garan karta kana dhuuxi kartaa  in” Dayac “ baaxd leh oo xagii Aabaysha ahi la gudboonaad waa Hooyoyinka guud ahaantood  sida jirtan waa mid marag ma doonto ah arintaa iyo hadalka Hooyadasi  jeedisay in yar mooyaane Aabayashi inay noqdeen kuwo ka gaabiyeey  masuuliyadii guud ee Barbarinta da,yarta iyo Reerahaba waan ta keenatay in Hooyadu noqoto maanta ta Buuxinaysa kaalin kasta oo ka qayb qaadanaysaa

Ugu danbeyntii waxa Hooyada iyadoo tilmaamysa sida xaalka Dawladnimo iyo xil-iska saari la,aant baahsan ee Jamhuuriyada Somaliland ka jirta ku hoga –tusaaleysa   Dawaladu waxa bud-dhig u ah qabyaalad iyo daneysiga Shiekhsiga ka wasiira ah waxba nooma taro,Xildhibaanku waxba Nooma taro  Agaasima waxba nooma tarin   waan meesha dhabar jabka Qaranku ka yimi una sabab ah in dhalinyaradu ka Huleelaan dalkoodii Hooyo markii ay waayeen waxii u baahnaayeen sida shaqo iyo Nolaal ku filan oo ay ku nolaan karaan  waxay intaa ku lifaaqday  Erayadan Farshaxka ee leh hab -dhac  suugaaneedka oo ah sidan tan ah .

Golayaasha iyo waxa isku mid ah geedkan tiinka ah.

Galoolkii iyo waxaa rawaxay  guurtidii hore .

Garan-waagii waa kaa matelay Gobaabkii weyn.

Gunaanadkii iyo Gaba- gabadii ..

 Hadalka Hooyada ka qayb qaadanaysay  xuska Dhalinyarada iyo sida ay u qeexda waxa dhibaatada Dhalinyaradu iyo ta Qarankaba waa mid si xoogan qalbigeyg iyo quluubtayda u gil-gishay xanuun badan ku reebatay .  Sida jiratan waa mid  biyo kam dhib-caan ah in dhibaatada xooga iyo quwada lihi tahay mid jirta oo Qoys kast iyo Qof walba na  saameyn ku leh ka mid Ummada Jamhuuriayad, Somaliland, iyo Ummad Islaamka caam ahaan maant  oo waliba inag inoo sii dheer tahay inaan ahayn Bulsho si waafi ah Aduunka u hesha saamigeed waajib u lahayd . Hasa yeeshe ah Ummad  wax badan ka qaban kara arimaha u gaar ah sida shaqo la,aant iyo  Maamul xumada ina dashatay Aduunka kale inag reebtay intiisa badan . Waa Muhiim in Ummada Jamhuuriyadu Somaliland ay hadaf Qaran oo isku mid ah ka yeelato Aafad Qaran ee inagu habstay iyo sidii looga bxiho lahaa .

Xaga dhalinyarad iyo Da,yarta guud ahaan waxaa inagu waajib ah inaynu wax ka ogaanon dhibaatada Hooyo Macaan inala soo martay iyo inaaney aheyn in Maanta  Abaal uga dhigin Hooyoyinkeen  qalbi jab iyo oohin joogta u noqota. Maanta  ay tahay Maalintii Hooyoyinkeen  ma wada gudi karne intii karaankeen u Abaal gudi lahayn oo ay ka mid yihiin u dhego Nuglaan iyo maqal waxay inoo door bido . Hooyo waa beer beerkun qof kast oo Caruurteda ka mid ah waxay la jeceshay inuu guulayso marnaba ma jecel kuman fikarto inuu caruurteed iyo Ubadkeedu Guul-dareysataan balse ku waa hor-seeda guul-darrad ay yihiin inagoo aan u Hogaan samin waxii Hooyo jeceshay mar walban jar-iska tuurkeenu keeno laba arimood oo kala

1)In Nafteen halis galino iyo gacan cadow galo  oo u dhaxaysa geeri iyo Nolaal.  

2)Jar ka tuuro  oo halkaas oo nafteeniaynu  ku weeyn Hooyadeena ku goblanto waana kuwa  uu iminka ka mid yahay Tahriibku oo aa anigu u bixiyey (Orad oo isa soo Daldel) .

Dhalinyarooy iyo da,yareyb Tacabirku waa wax u baahn fikar iyo ka baaran degid balse aan aheyn is daldel ,iyo Tahriibkan oo kale  aynu intii badneyd ku dhamaatay kuwa kale badan aan la heyn maant Nolol iyo dhimasho waxay ku sugan yihiin .Waa wax inal gudboon inaynu kal barano Guusha iyo guul darad in badan dhibaata ahi waa dhaca day oo inoogu filan waayo –aragnimo iyo wax ku qaadasho  laakiin inalam gudboon  sida had jirtaa  hadii aynu sii wadno na Hooyadeen macaan ilmadeed waa gobo,leedahay inaga Akkhiradeenu waa mid halis ku jirta  madam ay  Bad-baadka Aakhiro ku jiro Hooyadeen tafteeda oo halka aynu ognahay la mareyno .

Alle ha inaga dhigo  kuwo garta oo qaata wax xaqu  yahay  xaqdaradana ka badhay iskana waaniya .

Abokor Mohamud

abokorm@hotmail.co.uk

Bolton Uk

Waa Billahi towfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews