Yaab: Dawlad La Dagaalamaysa JIIR Oo Ku Bixinaysa Boqolaal Kun Oo Dollar Iyo Tirada Ciidammada Ka Hawlgalaya !
February 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalka Newzland ayaa waxa dhibaato aad ah ku haya jiirka waxaanu ku badanyahay gaar ahaan Antiboard ee koonfurta dalkaasi.
Xukuumadda Dalkaasi ayaa waxay hawl ku qaadi doontaa goobtaasi uu ku noolyahay jiirkaasi faraha badan waxaanay hawl galkaasi u diyaarisay toban nin oo bileys ah iyo sidoo kale saddex Ey oo ah kuwa tababbaran ee la shaqeeya Bileyska.
Sidoo kale hawlgalkaasi ayaa waxa ka qayb qaadan doona Wasiirka deegaanka ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah ciidammada Difaaca.
Goobtaasi ayaa waxa ku nool 200 oo kun oo jiir waxaanu dawladaasi ku qaaday hawlgalkii ugu ballaadhnaa abid guud ahaan caalamka ee lagu gummaado jiir intaasi tiradiisu dhantahay oo kharashka ku baxayaana yahay 735,000 oo Dollar.