Halkay Ku Dambeeyeen Mashaariicdii Horumarineed Ee Ku Lammaanaa Heshiiskii Lagu Wareejiyey Dekedda Berbera?, Muxuuse Madaxweyne Muuse Biixi Waftiga DP-World U Sheegay?
February 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Inkasta oo aan si rasmi ah faahfaahin dheeraad ah looga bixin nuxurka rasmi ahaan qodobadii ay dorraad oo Arbaca ahayd ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii uu hogaaminayay maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Axmed Sultan Bin Sulayman ayaa waxa warar hoose oo wargeyska Foore kulankaasi ka helay tibaaxayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si adag waftiga Imaaraadka ugala hadlay halka ay ku dambeeyeen ballan-qaadyadii hore ugu jiray heshiiska Xukuumaddii hore iyo shirkadda DP-World ee la xidhiidha dhinaca horumarinta Dekedda iyo mashaariicdii ku lammaanayd.
Xogo dheeraad ah oo Wargeyska Foore ka helay Kulankii dorraad dhex maray maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayman iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynuhu Madaxda Waftiga Imaaraadka kala hadlay in ay keenaan halka ay ku dambaysay ballan-qaadyadii heshiisku dhigayay ee ay ka mid ahaayeen samaynta Dekeddii Cusbayd ee Berbera, Dhismaha iyo Ballaadhinta Dekedda wakhtigan, Suuqa Ganacsiga xorta ah ee (Free Zone) loo yaqaano, samayntii Jidka Berbera Corridor, Mashaariicdii horumarineed ee bulshada Gobolka Saaxil iyo Guud ahaan dalka sida Caafimaadka iyo Biyaha kuwaasi oo dhammaantood Madaxweynuhu waftiga DP-World u sheegay in ay degdeg u bilaabaan.
Xogaha kulankaasi aanu ka helnay waxa ay tibaaxayaan oo kale in Waftiga Imaaraadka ka socday ee shirkaddan DPW aanay madaxweynaha si cad ugu sheegin halka ay marayaan iyo waxa ay ka damacsan yihiin mashaariicdaasi horumarineed toona ee xukuumaddii hore ku celcelin jirtay in ay heshiiska qayb ka tahay iyaga oo sheegay in ay Madaxweynaha xog rasmi ah ka soo siin doonaan marka ay dalkooda ku laabtaan.
Dad badan ayaa ka walaacsan rasmi ahaan jiritaanka Mashaariicdaasi in ay marka horeba qayb ka ahaayeen heshiiska wareejinta Dekedda Berbera oo ay ahaayeen wax jira iyo in aanay jirinba oo ay ahayd kaliya wax dadka la maqashiinayay uun. Sidaa darteed dadka u kuur gala Arrimaha la xidhiidha wareejinta Dekedda Berbara waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi ka dhur sugayaan bal in uu ku taagnaado ka war keenidda la xidhiidha mashaariicdaasi iyo qodobada heshiiskaasi dekedda lagu wareejiyey dhigayay iyada oo aanay illaa imika jirin wax alla wax ka hir galay wixii ay xukuumaddii hore shubi jirtay ee la xidhiidhay ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera iyo Mashaariicdii waaweynaa ee ku lammaanaa ee ay warbaahinta ka sheegi jireen sida dhismaha Jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale kuwaasi oo aan mar kali ah la arag wax saansaan ah oo la xidhiidha in ay si uun wax uga qabanayso shirkaddani.
Waxa kali ah ee illaa imika dadku ka arkeen heshiiskii lagu wareejiyey Dekedda Berbera ee DP-World waxa weeyi iyada oo heshiiska dhinaceeda intii ka khusaysay uun la arkay sida lacagihii ay dekedda ka qaadanaysay oo ay maalin walba kumannaan kun oo Dollar dalkoodii Imaaraadka ku shubtaan halka ay maamulkiina la wareegeen balse wax alla wax horumar ah oo ay Dekedda ka qabteen aanay jirin taasina tahay ta dhalisay su’aalaha badan ee Bulshadu iska waydiinayso arrinkan.
Madaxtooyada ayaa iyadu dorraad kulankii Madaxweynaha iyo Maamulka DP-World waxa ay ku macnaysay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin dhismaha iyo balaadhinta dekeda Berbera, suuqa xorta ah (free zone), sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu furi lahaa suuqa ganacsiga ee Imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan halkaasi, iyo Arrimo kale oo ay ka mid ahaayeen xaaladda abaaraha gobolada dalka ka jirta sidii ay gacan uga geysan lahayd DP World iyo arrimo badan oo kale.