Carruurta Dalka Koonfurta Sudan Oo Lagu Qasbo Inay Daawadaan DhacdooyinkaKufsiga Ah
February 25, 2018 - Written by Berbera Today
Juba(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta ku nool Koonfurta Suudaan lagu qasbo in ay daawadaan hooyooyinkooda oo la kufsanayo islamarkaana la dilayo.
Dadka rayidka ah ayaa la jirdila oo la googooya jirkooda, iyada oo tuulooyinkoodana la burburiyo ayay raacisay UN.
Kuwani waa qaar ka mid ah xadgudubyada xun ee kooxda baarayaasha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ay faahfaahin kaga bixiyeen warbixinta laga diyaariyay khilaafka Koonfurta Suudaan.