berberatoday.com
Haweenay Caan Ku Aheyd Jilida Aflaamta Hindiga Ah Oo Geeriyootay
February 25, 2018 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Sridevi, oo ay Soomaalidu u taqaanay Sahra-deefo, oo ahayd jilaayad caan ku ahayd matalidda aflaamta hindida, ee Bolywood sannadahii 80 naadkii, ilaa 90 naadkii, ayaa maanta maqribkii ku geeriyootay magaaladda Dubai, ee dalka isku tagga Emirateka carabta.

Waxay ka qayb gallaysay, aroos eheladeeda ah, Sridevi, ayaa matashay, ama ka mid ahayd aflaam lagu qiyaasay tiradooda 150 in ka badan.

Aflaamta ay Soomaalidu aad ugu baratay 80 naadkii ilaa 90 naadkii, ayaa waxaa ka mid ahaa Army, Mr India, Chandni, ChaalBaaz iyo Sadma.

Sannadkii 1997 kii, ayey ka fadhiisatay jilaanimada, ka dib markii ay matashay filimkii Judaai.

Sannadkii 2013 kii, ayey dawladda India ku maamuustay bilad sharafta Padma Shri, oo ah ta afraad ee ugu qiimaha badan dalka India.

Da’deeda ayaa ahayd 54 sanno jir, hantideeda ayaa lagu qiyaasay ilaa 50 malyuun oo dollarka maraykanka ah.

Sannadkii 1985 kii ayey guursatay jilaaga kale ee Mithun Chakraborty, oo ay Soomaalidu u taqaanay Gaala-master, ama ( Gang Master), inkasta oo ay kala tageen 1988 kii, waxay markale guursatay filim sameeyaha ( Film Director) Boney Kapoor, ee ay walaalo yahiin jilaaga Anil Kapoor, oo ay laba hablood kala dhalleen. Maydkeeda ayaa dib loogu qaaday dalka India, waxaana ka qayb gali doona raysal wasaaraha iyo madaxweynaha dalka India aaskeeda.

Xigasho Mohamed Abdi Hassan Diridhaba

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews