Dawlada Shiinaha Oo Doonaysa Inay La Wareegto Gacan Ku Haynta Marinka Isku Xidha Yurub Iyo Hindiya+Dekeda Dooraale Ee Jabuuti Oo La Filayo Inuu Shiinuhu La Wareego
February 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qarameynta ay dawlada Jabuuti kula wareegeyso dekada Koonteenarada
ee ay maamuli jirtay Dp World ayaa loo arkaa mid shiinaha gacanta u galisay maamulida marin biyoodka u dhaxeeya Hindiya iyo Yurub .

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo ah hogaamiye aan la sadaalin karin ayaa shabakada wararka ee Caj News Africa waxaa ay ku tilmaantey in heshiiska D World ay jabuuti ka baxdey ay hor seeday wada hadalo qalafsan oo ka kala dhacay Dubai , Paris , Nairobi iyo Washington .