Iskarogooyin Fara Baas Ku Haya Ciidda Dooxa Biyaha Hargeya Laga Soo Dhaamiyo Iyo Khatarta Dhalan karta
February 27, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)- Sannadihii u dambeeyey waxaa si xawli ah u fidaysa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa oo dadka ku nool ee in ay Hal Milyan kor u dhaafeen lagu qiyaasana tiradoodu kor u sii socoto, taasi waxa ay abuurtay xaalad biyo yaraaneed, kaddib markii uu magaalada wada waraabin kari waayey nidaamkii waraabka qasabaha oo ahaa mid kooban oo dawladdii milaterigu hirgelisay, dawladihii ka dambeeyey ee soo maray intii Somaliland lagu dhawaaqayna ay ku fashilmeen in ay horumariyaan ama raadiyaan habab kale oo lagu waraabiyo caasimadda.