berberatoday.com
“Shiinaha Ayaanu Berbera Saldhig Millitari Ka Siinaynaa..” Xildhibbaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland
February 27, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada

Somaliland ayaa si adag u difaacay saldhigga Imaaraadku ku leeyahay Berbera, islamarkaana sheegay in ay waddamo kale siin doonan Saldhig Militari. Xildhibaanka oo waraysi siinayay warbaahinta Goobjoog oo Somalia laga leeyahay ayaa si adag isaga difaacayay wariyaha waxaanu u sheegay in ay indho u yeeshaan saldhigyada Muqdisho laga siiyay dalalka Turkigu ka mid yahay inta aanay indho u yeelan kuwa Somaliland bixinayso.

Image result for xildhibaan nacnac

 

 

“Saldhigga Militari ee Imaaraadku si fiican buu u socda waliba xeebtayadu way weyn tahay oo in aanu xeebta dhinaca Bari dal kale siino ayaa laga yaaba oo dalkayaga xor baanu u nahay,” Sidaas ayuu yidhi XIldhibaan Nacnac oo wariyuhu sii waydiinayo cidda halkaas la dejinaya in ay Qadar tahay wuxuu ugu jawaabay “Maya ee Shiinaha in aanu dejino ayaa laga yaaba.”

XIldhibaan Nacnac ayaa mar kale la waydiiyay meesha Somaliland Saldhigyadeeda ka furanayso haddii ay shisheeyaha wada siiyaan dhulka waxaanu wariyaha ku celiyay su’aalo ku saabsan in ay indho u yeeshaan saldhigyada Somalia ay dalalka kale ku leeyihiin isaga oo Turkiga tusaale u soo qaatay.

 

 

 

Xigasho Ilaysnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews