Dawlada Djibouti Dhex Maka Noqon Kartaa Wada Haddalada Somaliland Iyo Soomaaliya? X
March 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa qorshaynaysa in dhawaan dib loo bilaabi doono wadda hadaladii u dhaxeeyey dawlada soomaaliya.
Sida qorshuhu yahay wada haddalada labada dal ayaa lagu wadaa inay mar kale dib uga furmaan wadanka Jabuuti, iyada oo laga soo wareejiyey dalka Turkiga oo hore u marti galinayey wada xaajoodka.
Sababta ugu weyn ee dawlada Turkiga looga wareejiyey wada haddalada labada dhinac ayaa ah iyada oo xukuumada somaliland su,aal galisay dhex dhexaadnimada dawlada Ankara, taas oo keentay in labada hogaamiye ee somaliland iyo Soomaaliya ay isla qaataan inay iskugu yimaadaan wadanka Jabuuti.