“Itoobiya Waxay Tageersantahay Midnimada Iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Heshiiska DP World-na Waa Ganacsi Kaliya..”Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda La Xidhiidha Gooni Isutaaga Qaranka Somaliland
March 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Dalka Itoobiya Meles Alem ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxeexdeen Itoobiya, DP World iyo Somaliland ee dekadda Berbera aanu wax shaqo ah ku lahayn xaaladda Siyaasadda ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay mid ganacsi oo qudha.
