berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Mudduciga Soomaaliya Ku Tahay Maal-gelinta Dekedda Berbera Uu Fursad Siiyey Somaliland
March 18, 2018 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee safarka shaqo ku jooga Dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Go’aankii toddobaadkii hore uu Baarlamaanka Soomaaliya uu DP World kaga mabnuucay Soomaaliya ay Somaliland wax badan u fududaysay.

Warka Faysal Cali WaraabeFaysal Cali Waraabe oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waydiisay ujeeddada ay Imaaraadka u joogaan, ayaa sheegay inay u joogaan Maalgelinta iyo horumarinta Somaliland isla-markaana fursadaha Somaliland ka helayso Adduunka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta uu dardar-geliyey Go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku diiday heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee Itoobiya laga siiyey 19%-ka.

Faysal oo ka hadlay ahmiyadda bogcadda Somaliland kaga taallo Adduunka ayaa yidhi “Bogcadda ILLAAHAY na dejiyey oo ah bogcad Istaraatiiji ah oo mar kasta lagama maarmaan ah marka siyaasadda Adduunka la eego (awgeed) inkasta oo ay soo jiitantay (Fursaddu) hadda ayay dhashay oo ay soo dhamaatay” ayuu yidhi, waxaau intaa sii raaciyey “Waxaana noo sii dardar-geliyey Go’aankii sheekada ahaa ee ka soo baxay Baarlamanka Soomaaliya.”

Guddoomiyaha UCID oo la waydiiyey in Adduunka uu Somaliland u aqoonsan yahay Dal ka mid ah Soomaaliya ayaa ku jawaabay “Marka xaqiiqada laga hadlo waxaanu ahayn laba Dal oo biiray, markii aanu isku biirnay waxaanu la baxnay Jamhuuriyadda Soomaaliya, Jamhuuriyaddii Soomaaliya meesha waxay ka baxday 1991-kii, waxaana abuurantay Somaliland, mana jirto wax Soomaaliya la yidhaahdo, waayo? Waa Qaran fashilmay. Soomaaliya wuxuu Adduunku u aqoonsan yahay Magac ahaan, laakiin wax taaban karaa ma jiro.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in aanay Somaliland ahayn Dalkii ugu horreeyay ee Dal shisheeye uu Saldhig Ciidan ku yeesho “Somaliland maaha waddankii u horreeyay ee Saldhig yeeshay, Jabuuti waad aragtay, intaas oo Ummadood oo kala jaad-jaad ah ayay isku keentay oo aan is-geyin, taa aad sheegayso (Soomaaliya) Maraykan baa Saldhig ku leh, Turkigaa ku leh, yaa u fasaxay, ilayn Dawlad awood u leh oo Soomaaliyeed ma jirtee..”?

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews