Hirdan Iyo Is Garbin Ka Dhex Aloosan Kooxo Dilaaliin Ah Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ka Ag Dhawaa Wakhtigii Doorashada Iyo Arimaha Ay Isku Haystaan
March 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu mudo yar oo aan Afar bilood gaadhin uu hogaanka dalka hayay ayaa durba waxa isasoo taraya dhacdooyin yaableh oo ay caan ku ahayd Dawladii ka horaysay kuwaasi oo Umadda Nacsiiyay Dawladnimadda islamarkaana macno kale u sameeyay Hanaanka hogaamineed ee la iskaga dambeeyo ee Somaliland oo ku qotonta in hadba kii yimaadaa uu uga faa’iideeyo dhaqaalaha Umadda inta ku xeeran ama ku xidhan Madaxtooyadda.
