berberatoday.com
Agaasimihii FBI-da Maraykanka Oo Soo Bandhigay Warqad Sir Ah Oo Dhex-martay Isaga Iyo Madaxweyne Trump
March 19, 2018 - Written by Berbera Today

Washington(Brberatoday.com)-Agaasime Ku-xigeenkii hore ee laanta Dembi-baadhista FBI-da Mareykanka, Andrew McCabe ayaa soo bandhigay Warqad Sir ah oo ku saabsan wadahadal dhex-maray Isaga iyo Madaxweyne Donald Trump, taaso ku saabsan farogelinta la sheegay in Ruushku uu ku sameeyey doorashadii ka dhacday Mareykanka sannadkii 2016-kii.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbaahinta Mareykanka, ayaa ku warrantay in Warqaddan Sirta ah ay sii xoojin karto Wararka sheegaya in Madaxweyne Truymp uu baal-maray Sharciga. Mr McCabe, ayaa shaqada FBI-da laga eryay maalintii Jimcaha, waxaana Madaxweyne Donald Trump uu ku eedeyay Ninkani inuu dhinac u janjeedho.

Baadhitaannada ku aadan faragelinta Ruushka ayaa waxaa hogaaminaya Robert Mueller oo horay uga tirsanaa FBI-da, waxaana ilaa iyo imika uu xusay 19 qof oo la rumeesanyahay inay ku lug leeyihiin eedeymaha ka dhanka ah Ruushka.

Maxay tahay sababta shaqada looga eryay McCabe?

Agaasime ku xigeenkii hore ee FBI-da Mareykanka, Andrew McCabe ayaa in muddo ah waxaa ku socday baaritaano hoose oo ay sameeneysay FBI-da Mareykanka, waxaana Mr McCabe uu xilka agaasime ku xigeenka dhinac uga istaagay bishii Janaayo ee sannadkan, si loo soo gabagabeeyo baaritaanada ku socda. Andrew McCabe ayaa se shaqada laga eryay maalmo kahor inta aanu noqonin howglab.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Jeff Sessions oo shaqada ka eryay Mr Andrew, ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii la soo gabagabeeyay baaritaan qotto dheer lagu ogaaday in McCabe uu warbaahinta u gudbiyay waxyaabo aan loo amrin oo aan waxba ka jirin.

Madaxweyne Trump, ayaa horay u dhaleceeyay ficilada Mr Comey, waxaan uu sidoo kale soo dhaweeyay tallaabada uu xeer ilaaliyaha Mareykanka shaqada kaga eryay ninkani.

Wararka sheegaya in Mr McCabe uu keydiyay maclumaadka ku saabsan kullanka dhhexmaray isaga, Trump iyo agaasimihii hore ee FBI-da ayaa soo shaac baxay maalintii sabtida.

Mr. Comey aya caddeeyay in Madaxweyne Trump uu ka codsaday inuu daacad u noqdo isaga, sidoo kalena uu meesha ka saaro baaritaanadii ku socday la taliyihii hore ee Trump ee dhanka ammaanka Michael Flynn. Waxa uu Mr. Comey oo ka hadlay tallaabada shaqada lagaga eryay ayaa sheegay in uusan sameynin wax khalad ah.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar sida ay inoo sheegeen xubno siweyn ugu dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha.

Saacadihii ugu danbeeyay xarunta Madaxtooyada waxaa ka soconayay qaban-qaabada safarka Madaxweynaha, hase-ahaatee markii danbe ayuu goostay in uu dib u dhigo socdaalkiisa, sababo la xiriira khilaafka xooggan ee ka dhax aloosan Golaha Shacabka iyo Xukuumadda.

Madaxweynuhu illaa iyo hadda kama uusan hadal mowqifkiisa khilaafka labada dhinac, balse waxaa jira cadaadis lagu saarayo in uu soo fara-galiyo arintan oo u muuqda mid siyaasadeed.

Xildhibaannada ka soo horjeeda Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa ku dhaliilaya madaxweynaha in uu sheeda kore uun ka daawanayo waxa dhacaya, taa badalkeedana looga baahan yahay in uu qaato doorkiisii mas’uuliyadeed ee looga baahnaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka Hey’addaha Sharci dejinta iyo Fulinta hoy iyo xafiis u aheyd Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo howl maalmeedkiisa shaqo u wareejiyay.

Khilaafkan ayaa xitaa saameyn adag ku yeeshay howlihii dowladda, iyadoo aad moodo in mashquul lagu wada yahay kulamo iyo shirar iska soo horjeeda oo ay qeyb ka yihiin xubnaha ku jira labada golle ee dowladda.

Xigasho BBCSomali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews