Madaxayne Putin Oo Si Wayn Ugu Guulaystay Doorashadii Madaxwaynanimada Dalka Ruushka
March 19, 2018 - Written by Berbera Today
Moscow(Berberatoday.com)-Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxa uu sheegay in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.