Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaaday Xaddiga Dhaqaalaha ay ku bixiyeen Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Iyo Kormeerayaal Ula Socda Qaabka Loo Hirgelinayo
January 29, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday xadiga dhaqaalaha ay ku bixiyeen hirgelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland, isla markaana kormeerida hanaanka diiwaangelinta dusha kala socdaan.
Jawaabta xukuumada Ingiriiska oo uu bixiyey Mr. James Duddridge, wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda iyo wadamadda Barwaaqo-sooranka ayuu ku sheegay in xukuumadiisu oo kaashanaysa dalka Denmark iyo ururka Midowga Yurub bixiyeen taageerayaan hanaanka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo khubaradii hagi lahayd.