Qunsulka Turkiga U Jooga Hargeysa Oo Sheegay In Shirkada Turkish Airlines Ay Duulimaadyo Ka Bilaabi Doonto Somaliland
April 1, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Diyaaradaha ee laga leeyahay Waddanka Turkiga oo lagu magacaabo Turkish Airlines ayaa qorshaynaysa in ay duulimaadyo ka bilawdo Somaliland.

Duulimaadyadda Diyaarada Turkish Airlines oo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay somaliland ka bilawdo ayaa in kasta oo aan la xaqiijinin goor ay sida rasmiga ah u bilaabi doonto, ayaa waxa sidaasi cadeeyay qusulka Dawladda Turkiga u joogga Hargeysa.