berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Taariikh Nololeeda Ta Waxbarasho Iyo Shaqooyinka Uu Soo Qabtay Raisal Wasaaraha Cusub Ee Dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali
April 2, 2018 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’iisal wasaaraha barri loo dhaarin doono talada dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali wuxuu ka soo jeeda degmada Beshasha oo ka tirsan ismaamulka Oromada taas oo aan dadkeedu ka badnayn 6000. Waa degaan Muslimiintu ku badan yahay waxaana la sheegay in dhulkaas oo hodan ku ah Kofeega iyo Qaadka aanay saamayn mudaharaadadii Itoobiya ka socday saddexdii sanno ee u dambeeyay waxaanay si caadiya u wateen hab nololeedkooda iyo ganacsigooda.

Ninkan Itoobiya hoggaamin doona waxa carruurnimadiisa loogu yeedhi jiray Abiyot oo ah magac inta badan loo bixiyo dadka dhasha xilli kacaan jiro isaga oo dhalashadiisu ku beegantay kacaankii Itoobiya ee 1974.Shaqadii Uu Sumcadda Ku Helay Dr Abiy(Abiyot)

Dr Abiy Axmed wuxuu ka soo jeeda qoyskan degan meel ku dhawaad 500Km u jirta caasimadda Addis Ababa. Waa qoys balaadhan oo caan ka ah degaanka Beshasha. Abiy waa ilmaha 13-aad ee aabihii oo 4 xaas leh dhalay. Axmed Cali oo loo yaqaan Aba Dabes, Aba Fita waa oday laga tixgeliyo degaankiisa wax badana ku kordhiyay isaga oo dhulkiisa siiyay goobaha laga dhisayo danta guud sida isgaadhsiinta iyo xarumaha caafimaadka, waxaana ammaanay dadka degaanka oo la hadlay wargeyska The Reporter oo warbixintan aanu ka soo xiganay.

Dr Abiy hooyadii Tezeta Wolde waa haweenay ka soo jeeda Axmaarada oo islaamtay waana xaaska afraad ee Axmed oo leh 6 carruur ah oo Dr Abiy ugu yar yahay.

“Waan xasuusta oo markii uu carruurta ahaa wuxuu aad ugu fiicna barashada Quraanka,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Cali oo ka hadlaya wiilkiisa Dr Abiy waxaanu intaas raaciyay ‘wuxuu aad u jecla in uu wax barto, wax ogaado waxaanu wakhtigiisa ugu badan la qaadan jiray odayaasha,” sidaas ayuu wargeyska Reporter u sheegay Oday Axmed Cali oo ah baaha dhalay Raisal wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya.

Shaqadii uu ku guulaystay

Saaxiibadiisii carruurnimo iyo ehelkiisu waxay wargeyska u sheegeen in yaraantiisii aamminsana muhiimadda waxbarashada iyo awooddeeda, islamarkaana ku dhiiri gelin jiray waxbarashada jeclaana in uu tusaale noqdo, taas oo horseeday in isaga oo da’a yar uu ku biro dhaqdhaqaaqii xisbiga Oromada xilligii halka Itoobiya sanadihii 1990s.

Degaanka uu ka soo jeedo muslimiintu ku badan tahay laakiin, ay degaan wadaagaan dad Kiristaan ah waa mid nabad lagu majeerto laakiin, 2006 ayaa koox muslimiin ah laayeen dad Kiristaan ah. Xilligaas ayay dawladda Federaalka Itoobiya la tacaalaysay xurgufta dhexmartay Muslimiinta iyo Kiristaanka degaan wadaagta ah oo markii dambe xal la kala dhex dhigay.

8 Sanno ka hor ayay dawladdu u dirtay Dr Abiy oo 34 jir ah in uu soo xalliyo xiisadda u dhexaysa labadan bulsho ee degaankiisa ah waxaanu ka keenay natiijo guul ah. Halkaas ayuu ku noqday xidig ifaya oo lagu sheegay nabad doon ama nabad sameeye labada bulshaba ku raysay.

“Tan iyo Markii dib u heshiisiinta la sameeyay dareenkii cadaawada ee labada bulsho u dhexeeyay wuu dhammaaday,” Sidaas ayuu wargeyska u sheegay Berhanu Habtemariam 76 jir bulshada Kiristaanka ah ka soo jeeda kana mid ahaa dadkii ka badbaaday dhacdada 2006.

Abdulkerim Mohammed oo ah Imaam ayaa wargeyska u sheegay in Dr Abiy ahaa maskaxdii nashqadaysay dib u heshiisiinta degaankooda ka hirgashay.

Hoggaamiyahan aqoonta Militariga iyo ammaanka leh, sidoo kalena aqoon yahan waxna ka og isgaadhsiinta casriga ah ayay ammaantiisu isa soo taraysa waxaanu majaraha u qabanaya waddanka Itoobiya oo dib u habayn balaadhan u baahan, islamarkaana ay gilgileen cabashooyin ku saabsan saamiga kuraasta iyo qaybsiga khayraadka Waddanka

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews