Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac Oo Hargeysa Ku Geeriyootay iyo Qayb Ka Mid Ah Taariikhdeeda Qofeed Iyo Faneed
April 4, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)- Allaah ha u naxariistee Fannaanaddii Caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac, ayaa Saaka ku geeriyootay Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa oo ay dhawaanahan xaalad Xanuun u taallay, sida uu Warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyey Abwaan Aadan Tarabbi.
Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd Hormuudka Fanka Soomaaliyeed Hablihii Foolaadka u ahaa, ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid ahayd Dhawrka Gabdhood ee ugu Heesaha Badan Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ka mid ahaa Kooxdii Fanka Soomaaliyeed ee Waabberi, iyadoo qaadday Heeso tiro badan oo ay gaar u qaadday iyo kuwo ay Fannaaniin Rag ah oo kala duwani la qaadeen, kuwaas oo isugu jiray kuwo Jacayl ah, kuwo Wacyigelin ah, kuwo Waddani ah, kuwo Nebi-ammaan ah iyo weliba kuwo Alla-bari ah.
Allaah naxariistii Janno haka waraabiyo ee Sahra Axmed Jaamac, Riwaayadaha ay wax ka meteshay way tiro badnaayeen, hase-yeeshee, waxaynu xusi karnaa oo ay si weyn uga dhex-muuqatay ama Aktarad ka ahayd Riwaayadaha Geyiga Soomaalida ka hana-qaaday dhammaadka Lixdamaadkii illaa siddeetameeyada qarnigii 19-aad, waxaa ka mid ah; Dab Jacayl Kari-waa, Galbeed waa la Xoreeyey, Wadhaf iyo Shimbiro War isuma hayaan, Nin Qasbaaya Jacaylka ma loo quudhi karaa?, Bad-jacayl Badanaa, Jeel iyo Jacayl, Hablayahaw hadmaad Guursan doontaan?.
Meydka Marxuumad Sahra Axmed Jaamac, ayaa lagu aasayaa magaalada Hargeysa Saacadaha soo socda haddii Illaahay idmo, waxaana Bahda Suugaanta ee Abwaannada iyo Fannaaniinta ay isku Bahda ahaayeen oo ka warramaya Taariikhda ay ka hayaan iyo shaqsiyadda Sahra Axmed ay caanka ku ahaydba idiinku soo gudbin doonnaa qaybaha dambe ee Wararkeenna.
Hase-yeeshee, waxaannu Muuqaal-dhegaysigan hoose idiinku soo gudbin doonnaa Allaah ha u naxariistee Sahra Axmed Jaamac oo dhawr sannadood ka hor Waraysi ay arrimo badan oo taariikheedeeda Faneed iyo Shaqsiyadeed la xidhiidha kaga warrantay oo uu la yeeshay Weriye Cumar Seerbiya oo Hargeysa markaa kula kulmay Sahra Axmed ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-
Haddaannu nahay Bahda Warbaahinta Berberatoday.com, waxaannu Tacsi Tiiraanyo leh u diraynaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay Fannaanaddu ka baxday, gaar ahaan Bahda Fanka Soomaalida, Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta kale ee ay ka baxday, waxaannu leenahay Allaah Marxuumadda Naxariistii Janno haka waraabiyo, dhammaaneenna Samir iyo Iimaan Saadiq ah ha innaga wada siiyo insha Allaah. Aammiin… Aammiin… Aammiin.