berberatoday.com
Xukuumadda Muuse Biixi Oo La Soo Baxday Hab-Dhaqankii Masuuliyiinta Dawladdu Ugu Jawaabi Jireen Siyaasiyiinta Xukuumadda Dhaliila
April 6, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah xubnaha Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa bilaabay arrin lagu eedayn jiray xukuumaddii iyada ka horraysay ee Madaxweyne Siilaanyo oo ah in ay saxaafadda uga jawaabaan kana yooyootamaan iyaga oo Madaxweynaha ka difaacaya eedaymo loo soo jeediyey halkii ay ahayd in ay qorshayaasha waxqabad ee culus iyo baylahda hor taalla ay wax ka qabtaan.

Image result for Madaxweyne Muuse Biixi

 Arrinkan ayaa ah in xubnaha xukuumadda ku jiraa hadba ciddii hadasha ee deegaankooda ah in ay u jawaabaan oo xukuumadda ka difaacaan eedaha markaasi kaga yimaad xubno deegaamadooda ka soo jeeda oo si uun u dhaliila xukuumadda markaasi joogta waana hab dhaqan dadku aad u dhibsadaan oo muujinaya in masuul kastaa uu kursigiisa ku difaaco in uu eedo madaxweyne ka jawaabo xubnaha deegaankiisa ah ee aan xilka hayna u arko in uu xilka ka eryanayo.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle (Jabarti) oo ka mid ah xubnaha dawladda kaga jira deegaamada Gobolka Sool ayaa si adag u difaacay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi eedo culusna u soo jeediyey wasiirradii hore ee isla deegaankan ka soo jeeday ee Baashe Cali Jaamac iyo Cali Maxamed Sandulle kuwaasi oo dhaliilay dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi waana dhaqan caado ah oo ay leeyihiin siyaasiyiinta xilalka qabta iyo kuwa ka maqani in ay dhaliilo isku hurgufaan iyaga oo qolona marka xilalka ay waayaan weerar ku qaadan xukuumadda markaasi jirta qolada kale ee xilalka hayaana u jawaabaan.

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews