berberatoday.com
Xukumada Muuse Biixi Oo 40% Kordhisay Cashuurta Dalka Iyo Ganacsatada Oo Aan Dekeda Berbera Saaka Hal Shay Ka Cashuuran+Xaalada Sicir Bararka Oo Cirka isku Sii Shareeri Doonta
April 9, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Saaka Subaxii hore ayaaa ganacsatada wax kala soo Degta Dekada Berbera waxay la Kulmeen tacriifad Cusub oo la Kordhiyay, waxaana Kor Loo Qaaday Qiimahii ay wasaaradu wax ku Cashuuri Jirtay ee sarifka Lacagta Dollarka ah ee Cashuurta Lagu qaado oo hore u ahaan Jiray halkii dollarba 5000 Sland shilin ah halka saaka laga dhigay 7000 Sland shilin,
Mid kamida ganacstada oo ka hadalay lacagtan guud ahaan lagu kordhioyay wax kasta oo dekeda kasoo daga Ayaa xaqiijiyay in 40% Tacriifad u dhiganta la Kordhiyay cashuurtii Badeecadaha Kasoo Dega Dekada Berbera, Intaa wuxuu Ku daray marka Laga Reebo raashinka oo Isaga La Kordhiyay 20%, Ninkan ganacsdaha oo Codsaday In aan magaciisa la Sheegin waxaa kale oo uu Yidhi
Tacriifada wax Lagu cashuuro waxay Ku Qiimaysnayd Doolar , halkii Doolar waxay Xukuumada Somaliland Ugu garaaci Jirtay ganacstada Qiime Dhan Shan Kun Oo
S/l Shiling ah[ 5000 S/l Shiling ah] Iminkana waxaa Laga Dhigay 7000 Todaba kun oo S/l Shiling Ah [7000S/l Shiling] , Sidoo kale Wuxuu Intaa ku daray in raashimada Lagu Kordhiyay 1000 S/l Shilig Ah oo Noqonaysa in Lagu garaaco Doolar ahaan Lix Kun Sl/shilling [6000 s/l Shiling]halka uu markii hore ahaa 5000 shan kun.
Dabcana wuxuu Intaa Ku daray in ay Ganacsatadani udacwoon Doonaan Xukuumada sare ama Madaxwayne Muuse Biixi maadaama ayuu yidhi wadanka Sicir barar bahasani ka Jiro tanina ay Kor Usii Qaadi Doonto Sicir bararka Muceeshada iyo badeecaadaha kaleba,
Wararka Ugu danbeeyay Ayaana Sheegaya in aan saaka ganacsatadu waxba ka Cashuuran Dekeda Berbera oo shaqadu istaagtay gabai ahaanba,
Maamulaha kastamka oo Aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Cabashada ganacstada Ayaanay Noo Suura galin
Warqadan qiimaha lagu kordhiyay hoos ka akhriayaa waxaa ku sxaeexan wasiirka maaliyad somalilan

Berberatoday.com
COMMENTS
|