|
berberatoday.com
Madaxweyne Biixi Oo Soo Saaray Go’aan Uu Ku Asteeyay Maalinta Dhirta Somaliland Ee Sanad Kasta
April 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray go’aan uu ku asteeyay maalinta dhirta ee sanad kasta laga xusi doono dalka Somaliland, isla markaana waxa uu wasaarada Horumarinta Deegaanka iyo Reer Miyiga uu farray hirgelinta go’aankaasi, isla markaana waxa uu bulshada ka codsaday inay si weyn ugu diyaargaroobaan oo ay ka qayb qaataan.
Sidaana waxa lagu cadeeyay war-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Biixi, oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, waxaanu u dhignaa sidan:-
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.
Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:
Wareegto Madaxweyne
Maalinta Dhirta Somaliland
Markaan Arkay: Qodobka 90aad, 34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Keymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Dersay: Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Billicda Deegaanka Dalka;
Markaan Arkay: In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;
Waxaan Go’aamiyey;
In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.
In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.
In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.
In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
COMMENTS
|