Maraakiib Sidda Shidaal Wasakheysan Oo Ku Soo Xidhay Haamaha Keydka Shidaalka Berbera Iyo Gaadiidka Batroolka Ahaa Oo Wada Ciladoobay
April 12, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Keydka Haamaha shidaalka ee magaalada Berbera
ayaan maanta wax shidaal ahi aanu ka soo bixin kadib markii shidaalkii halkaasi lagu shubay uu noqday mid wasakhaysan oo xabag leh oo waxyeelo u geysanaya gaadiidka lagu shubo gaar ahaan baabuurta batroolka ah.
Booyadaha shidaalka ka soo qaada hamaha Keydka shidaalka ee magaalada Berbera ayaa dib loogu celiyey kuwoodii la soo dhamaamiyey maanta kadib markii la arkay shiidaalka batroolka ah ee ay sidaan inuu wasakhaysan yahay oo dhibaato ugaysan karo gaadiidka lagu shubo.