Mucjisooyinka Wadnaha: Xubin Jidhka Ka Mid Ah Oo Aanu Dhiigga Gaadhsiin, Garaaca Wadnaha Ragga Iyo Dumarka Oo Kala Badan Iyo Sawirka Jacaylka Aynu Ku Cabbirno Oo Aan Ahayn Wadne
April 13, 2018 - Written by Berbera Today
Tehran(Berberatoday.com)-Wadnuhu waa xubinta ugu awoodda badan jidhka aadamaha, oo ah mishiinka ka shaqaysiiya qaybaha kala duwan oo dhan. Waxa uu shaqadiisa bilaabaa marka uu ilmuhu 21maalmood oo keliya ku jiro uurka hooyadii, waxa aanu shaqada wadaa illaa ilbidhiqsiga u dambeeya ee nolosha. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Almannaar, oo laga leeyahay dalka Iiraan. Waxa ay soo bandhigaysaa hawlaha kala duwan iyo qaab abuurka wadnaha bani’aadamka, oo inta badan aanay dadku ka warqabin.
- Wadnuhu waxa uu dhiigga gaadhsiiyaa (Ku buufiyaa) dhammaan unugyada jidhka marka laga reebo ilxaydha oo keliya. (cornea: ilxaydh oo ah qaybta aynu xaydha isha u naqaanno)
- Wadnuhu waxa uu maalinta keliya sameeyaa garaac tiradiisu dhan tahay 115 kun oo jeer.
- Wadnuhu waxa uu maalintii tuuraa (Buufiyaa) dhiig qiyaastiisu tahay 7 kun 571 litir oo dhiig ah.
- Miisaanka wadnaha raggu waxa uu u dhigmaa 454 giraam, taas oo ka yar kiiloogaraam badhkii. Waxa aanu cilmigu xaqiijiyey in wadnaha ninku uu 57 giraam ka culus yahay miisaanka wadnaha dumarka.
- Garaaca wadnaha dumarku waa uu ka degdeg badan yahay garaaca wadnaha ragga.
- Sanqadha wadnaha ee aynu dareennaa waxa ay ka dhalataa is furidda iyo xidhidda waalalka wadnaha ee loo yaqaanno (Heart Valves).
- Dhammaan dhaqannada iyo bulshooyinka kala duwan ee dunidu, waxa ay ay isku xidhaan wadnaha iyo jacaylka, mar kasta oo jacayl laga warramayo, wadnaha ayaa la soo qaataa, sawirka keliya ee jacaylka calaamadda u ahna wadnaha ayaa lagu sheegaa. Laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah in sawirka ay dadku mar kasta jacaylka raaciyaan ee ay wadnaha ku sheegayaan in aanu ahayn sawirka runta ah ee wadnuhu leeyahay. Balse waa sawirka ubaxa geedka afka qalaad lagu yidhaahdo Silphium oo ah ka uu sawirkiisu qoraalkan la socdo.
Waxa taas ka sii yaab badan in jacaylka oo fure u ah guur iyo dabcan taran, calaamad looga dhigay geedka Silfiyoom oo taariikhihii hore ahaa dawo ay dadkii xilligaasi u isticmaali jireen joojinta dhalmada.