Qiimihii Jaadka Oo Cirka Isku Shareeray Kadib Markii Ay Shirkadaha Ina Afdiinle,Gaafane Iyo Farasku Ku Heshiiyeen Inay Sicir Midaysan U Jaraan
April 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimahii rubuca jaadka Jibiska loo yaqaano ee horaanti bishii hore (March) ahaa SSh 25,000 ayaa magaalada Hargeysa maanta lasii sanayey 60,000 halka mijinta qaadka Dadarta ah lagu iibsanayey SSh 12000 iyadoo ay todobaadkii hore mijintu taagneyd SSh7000-8000.
Sicirkan Jaadka ee mar kaliya cirka isku shareeray ayaa loo aanaynaya heshiis qarsoodi ah oo dhawaan dhex maray sadexda Qaadle ee ugu tunka weyn dalka kuwaasoo isku afgartay inay sicir isku mid ah oo ay isla ogyihiin markasta u jaraan jaadka si ay badeecadooda ugu qaali garawdo.Sadexdan Qaadle oo kala ah Kowsar Afdiinle,Aamina Gaafane Iyo Faraska ayaa sida la sheegay qaba isku haleyn ah in dadka jaadka cunaaa aanay iska dayn karin balwadoodaasi oo si kastoo qaadku loogu qaali gareeyo ay iibsanayaan.