Imaaraadka Carabta Oo Ciidamo Tababarayaal Ah Oo Ka Joogay Puntland Shalay La Baxay Iyo Hadidaad Loogu Gaystay Madaarka Boosaaso
April 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa koox tababarayaal ciidan ah oo ku sugnaa deegaanada Puntland, shalay si rasmi ah ugala baxday deegaanadaas.

Saraakiishan ciidan oo la sheegay inay tababaro siin jireen ciidamada badda ee Puntland, ayaa shalay markii ay ka baxayeen madaarka Boosaaso waxa loogu gaystay dhibaato iyo haddidaad, waxaana iyaga iyo diyaaradii qaadi lahaydba lagu xayiray madaarka Boosaaso ee Puntland.